Ciidamada deegaanka ee Gobolka Mudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa howlgallo culus ka wada degaannada Koonfurta Mudug, iyagoo si gaar ah u beegsanaya fariisimaha Al-Shabaab (AS).
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu hadda ka socdo degaanka Qeycad, halkaas oo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka isku dhinac uga weerareen fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Dagaalka ayaa bilowday saaka waaberigii hore, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, iyo kuwa deegaanka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada AS ee ku yaalla Qeycad.
Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu baahay, gaar ahaan duleedka degmada Bacadweyne iyo nawaaxiga Qeycad, halkaas oo uu xooggiisa hadda ka socdo.
Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa, iyadoo la sheegay in ciidamada huwanta ah ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka. Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa tilmaamay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen goobihii lagu dagaalamay.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dagaalka ballaaran ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo maalmihii u dambeeyay si xowli ah loo waday duullaan lagu qaadayo meelaha ay ku sugan yihiin.
Mudug ayaa muddooyinkii dambe noqotay aag dagaal oo muhiim ah, maadaama Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ku dadaalayaan inay soo afjaraan Al-Shabaab.
Xaaladda guud ee degaanka Qeycad iyo Bacadweyne ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ay isku horfadhiyaan. Ciidamada huwanta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay ka saari doonaan Al-Shabaab deegaannadaas.