Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda Daacish, kadib markii ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Bari. Saraakiisha PSF ayaa xaqiijiyay in hawlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, taas oo ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dagaalyahan lagu magacaabo Cabdalla Mustaf Abu-deyr, oo magaciisa af-garashaduna yahay Saalim.
Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska PSF, ayaa Cabdalla Mustaf Abu-deyr ka muuqday isagoo qiraya in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish. Wareysi laga qaaday ayuu ku sheegay in uu horey cilmiga Injineerinka uga baran jiray jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil, kahor inta uusan ku biirin dagaalyahanada Daacish.
Cabdalla ayaa sheegay in markii uu soo gaaray buuraha ay ku sugan yihiin Daacish uu halkaasi kula kulmay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo u geeyay meel tababar lagu bixiyo oo la yiraahdo Istiqbaal, halkaas oo uu tababar ku qaatay.
“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.
“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ayaa muddooyinkii dambe si xoog leh uga socday deegaannada Puntland, iyadoo PSF ay ku guuleysatay inay beegsato dagaalyahanada kooxdaas ku sugan gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya. Taliska PSF ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku sugayaan amniga deegaannada Puntland.