Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa Caawa fiidkii waxa ay weerar xooggan ku qaadeen degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowaldda Soomaaliya.
Dad ku sugan Marka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in halmar ay ka warheleen dhawaqa rasaas culus oo ka dhaceysa Gudaha degmada iyo daafaheeda,isla markaana uu halkaasi ka dhacay daagal xooggan oo socday mudo ku dhow hal saac.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana la soo sheegaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas balse aan weli la cadeyn Karin maadaama ay tahay xilli habeen ah.
Dadka ku sugan Marko ayaa waxa ay sheegayaan in todobaadyo kadib ay dareemayaan cabsi maadaama maalmahaan xaalada Magalada ay aheyd mid degan.
Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in xaalada Magaalda ay tahay mid degan ayna ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.