Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeeysay ee Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka oo saacado kaliya inaga xigaan xiliga loo balan yahay inay dhacdo Doorashada oo berri ah.
Musharaxiinta kala duwan ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenka ayaa Caawa Dhuusamareeb ka wada kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Galcal ayaa Maanta shaaciyay in berri oo Axad ah ay dhici doonto Doorashada Galmudug, isla markaana uusan jiri doonin wax dib u dhac ah.
Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.
Sidoo kale xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa u sharaxan ilaa iyo 5 Musharax, kuwaasi oo kala ah Axmed Yuusug Warsame (Taajir), Cali Daahir Ciid, Saadaq C/llaahi Xaashi, C/qani Shiikh Cali Diini iyo Maxamed Xaashi Carabey.
Xarunta lagu wado inay ka dhacdo Doorashada ayaa waxaa amnigeeda Caawa waxaa lagu wareejiyay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Dhuusamareeb, kuwaasi oo heegan buuxa la geliyay.
Waxaa kaloo Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka la geeyay Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Xaafadaha qaar ay ka wadaan howlga Culus oo baaritaano ah.
Si kastaba Jawiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa waxaa uu yahay mid ka duwan habeenadii hore, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in meelaha qaar la hakiyay dhaq-dhaqaaqyadii halkaas ka jiray, iyadoona siweyn loo adkeeyay suga amniag Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.