Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkasi uu ka dhacay daagal culus oo mduo 3- daqiiqo ku dhow socday sida ay dadka Magaladaas xaqiijiyeen.
Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii rag hubeysan oo aan weli la garan ay weerareen Saldhiga Bartamaha Magalada laas-caanood,iyada oo dadka deegaanka ay sheegeen in xalay saqdii dhexe ey maqleen rasaas ka dhaceysa Magalada.
Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa gacanta ku haya Magalada laas-caanood,waxana saraakiisha ciidamadaas aysan weli ka hadlin weerarka xalay ka dhacay laas-caanood iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay.
Todobaadkii hore ayaa guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland waxa uu sheegay in ay weerareen magalada laas-caanood,isla markaana saldhiga ay ka siidaayeen maaabiis u xirneyd Ciidamada Soomaaliland.