Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Ganacsatadii lagu xiray Jowhar

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Jowhar Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle laga siidaayay Ganacsatadii Ciidamada Maamulak Hir-Shabelle ay xireen.

Ganacsatadaan ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 17 kuwaas oo isugu jiray kuwa Xoolaha ka Ganacsada iyo kuwa kale ee Ganacsatada caadiga ah,waxaana lagu eedeeyay in ay Al-Shaabab kula shireen deegaan ku yaalla duleedka Magaaalada Jowhar.

Siideynta Ganacsatadaas ayaa waxaa siweyn uga qeyb qaatay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo ehelada Ganacsatada kuwaas oo xaliyay khilaafkii dhaliyay in la xiro.

Taliska Booliska Jowhar ayaa Ganacsatada weeydiiyay su’aalo ku saabsan xarigooda iyo waxa ku kalifay in ay tagaan deegaankii ay maamulayeen Al-Shabaab.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa horay digniin uga soo saaray in wax lala wadaago Al-Shabaab iyo in loo dacwad tago Maxkamadaha ay maamulaan Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media