Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee xaalada Magalada Baydhabo

Tan iyo markii shalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay xabsiga dhigeen muqdishishana loo soo kaxeeyay Wadaadka Muqtaar Roobow ayaa waxaa Magalada Baydhabo ay gashay xaalada ka dwuan sidii hore.

Tan iyo shalay waxaa ka socday banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan Shacabka Magalada Baydhabo,sigaar ah taageerayaasha Muqtaar Roobow.

Sidoo kale Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa saakay waxa ay soo sheegayaan in weli Magalada ay ka jiraan banaanbaxyo rabshado wata wallow sidii shalay aysan aheyn.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ugu baaqeen Shacabka Magalada in ay xaalada dejiyaan,isla markaana aysan abuurin khalqal amni.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Magalada Baydhabo weli kama hadlin waxa ka socda Magaladaas,iyada oo dagaalkii shalay ka dhacay ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 10 Ruux.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor