Akhriso:-Warar ku saabsan xarigii Afhayeenka Maamulka Galmudug

Gelinkii dambe ee maanta ayay aheyd markii ay Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya xabsiga dhigeyn Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (roob Da’ay) balse ugu dambeyn lasiidaayey.

Laamaha amniga Soomaaliya weli mashaacin sababta loo xiray Afhayeenka oo ku sugan Muqdisho,balse War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyey in uu xurriyadiisa dib u helay.

Hayeeshee markii uu soo baxay xariga Afhayeenka Galmudug ayaa waxaa durba jiray Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya oo xarigaas cambaareeynayey,waxana ka mid ahaa xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa,isaga oo sheegay in xurriyadiisa lasiiyo.

Sidoo kale weli wax faah faahin ah kama bixin Saraakiisha Hay’adda NISA sababtii ay u xireyn Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor