Waxaa Maanta soo gaba gaboobay ololaha doorashada Madaxtinimada ee Somaliland, kaas oo soosocday 21-kii maalmood ee ugu dambeeyey.
Waxaana haatan socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee doorashada madaxtinimada ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto maalinta Isniinta.
Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa fasaxday dhammaan ardayda dugsiyada kala duwan dhigata iyo weliba ardayda Jaamacadaha, si ay uga qaybgalaan doorashada.
Guddiga doorashada soomaaliland ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in laga bilaabo Maalinta doorashada a jari doono internet-ka, in kastoo aysan shaacin sababta loo jarayo hadana waxa ay u muuqataa in looga hortagayo in ay qalalaaso dhacaan.
Shacabka kala duwan ee Maamulkaas oo kala taagersan Madaxda Saddex xisbi ayaa dhankooda u diyaar garoobaya in ay Sanadkii Sadddexad ka qeyb qaataan doorashooyinka Soomaaliland.