• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

AKHRISO WAR-MURTIYEED:Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed Muqdisho,

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 4, 2016
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02-da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo habeen hore ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho.

Madashu, waxay cambaaraynaysaa weerarada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.

2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016.

Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.

3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG).

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.

4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda.

Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.

5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016.

Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarnaan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.

7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.

8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.

9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibaanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:

a. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.

b. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.

1. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.

2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay.

Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

3. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday;

a. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy) oo ay xukuumaddu soo gudbisay.

b. Dhisidda Gudiga Amniga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.

4. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22-ka bisha Juun 2016.

5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

Previous Post

DEG DEG: Feeryahanka Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

Next Post

Dhageyso: Warka subaxnimo ee radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka subaxnimo ee radio Dalsan

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – Somalia’s Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today received the Ambassador of the People’s Republic of...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00