• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Deni

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 23, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Shirka Wadatashiga Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Deni oo ka furmay Garoowe
8
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shir wadatashi ah oo Maanta magaaladaasi uga furmay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo ay siweyn uga horjeedan Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Madaxweyne Saciid Deni, waxaana shirka laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Hoos Akhriso War-saxaafadeedka

1- Madaxdu waxay bogaadinayaan dadaallada naf-hurnimada leh ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wajahayaan Dagaalka Alshabaab, iyaga oo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhammaan halyeeyada u shahiiday difaaca dalka.

2- Madaxweyneyaashu waxa ay adkeeyeen dadaalladii muddada soo socday ee lagu bixiyey dib u dhiska Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay dib ugu soo laabato dhabbaha dhismaha ciidanka iyo dib u xoreynta, iyadoo loo dhammeystirayo ciidamada agabka, qorshaha iyo saanadda ay u baahan yihiin si ay u xoreeyaan dalka.

3- Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka.

4- Labada Madaxweyne waxa ay ka xun yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiiday ballantii ku saleysnayd isu soo dhaweynta labada dhinac, taas oo markii hore uu ergo ahaan uga codsaday in ay tagaan Garoowe, kana shaqeeyaan xallinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

5- Labada Madaxweyne waxa ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan isu soo dhaweynta, wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeedinayaan qabsoomidda shir-wadatashi oo ku aaddan xaaladda adag iyo duruufaha khatarta ah ee ku xeeran midnimada iyo qarannimada dalka.

6- Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qabanqaabo shirwayne wadatashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka.

7- Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

8- Madaxdu waxay farriin u direen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmaya inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

9- Madaxdu waxay uga digayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo dhabbahan qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne waxay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha dowladdiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland soo dhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 23/03/2024

Next Post

DFS oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post
DFS oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

DFS oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00