Akhriso:-Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniino Culus soo saaray

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay Arrimo ku aadan Ciidanka, isagoo soo saaray Digniin Culus oo ku socota dadka Isticmaala Astaanta iyo Tuutaha Xoogga dalka.

Taliye Odawaa oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo badayeen shaqsiyaad gaar ah oo isticmaala gaadiid Cabdi Bile ah oo loo ekeeysiiyay kuwa  Ciidanka Xoogga dalka isticmaalan, isla markaana lagu buufiyay Astaanta Ciidamada.

Waxaa uu sheegay Taliye Odayaa in gaadiidka loo ekeeysiiyay kuwa Ciidanka Xoogga ay Arrintaas keeni karto dhibaatooyin badan iyo khatar amni, maadaama xiliyada qaarkood gaadiidka lagu geysto falal amniga lid ku ah.

Taliyaha ayaa waxaa uu Digniin u diray dadka sida sharci darrada u isticmaala gaadiidka Cabdi Bilaha ah ee lagu buufiyo Astaanta Ciidanka Xoogga dalka, isagoo sheegay in gaadiid aan u diiwaan gashneyn Ciidanka ee lagu arko isaga oo buufsan ay Ciidanka si toos ah ula wareegi doonaan.

Dhinaca kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa hadlay Askar aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga dalka ee Isticmaala deriiska dharka ay xirtaan Ciidamada, isla markaana u shaqeeya Hay’addo, Shirkaddo iyo meelo kale.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in deriiska ay xirtaan Ciidanka aysan isticmaali karin qof aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga, wuxuuna carabka ku dhuftay cidii lagu arko arrintaas tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Taliye Odawaa ayaa Digniin u diray rag Maleeshiyaad oo Isbaarooyin dhigtay Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka, isagoona xusay in raggaas Ciidanka ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adeg.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media