Sawirro:-Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo baaritaano ah ka sameeyay degaanada Mubaarak iyo Daarul-salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Danab iyo gor-gor ay kusoo qabteen Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa sirdoonka Shabeellaha Hoose Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale howlgalka lagu qabtay xubno kale gaarayo 5 kuwaasi oo lagu wado baaritaano.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandooska ayaa shalay la wareegay deegaanka Mukaarab ee hoostaga Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidanka ka wadeen howlgalo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media