Guddiga diyaar garoowga iyo ka hortega Cudurka Coronavirus ee maamulka Somaliland ayaa soo saaray Go’aano dhowr ah oo looga hortegayo Cudurkaas oo fara ba’an ku haaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ka hortega Coronavirus ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay joojisay duulimaadyadii uga imaan jiray dalal dhowr ah oo laga helay Cudurka Corona oo ay Soomaaliya muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabaneysa maalinta Berri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Bishaan.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaanka Xarumaha Waxbarashada ee ku yaalla deegaanada Somaliland laga xirayo ilaa muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabaneysa Maalinta Berri.
Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in Xarumaha Caafimaad ku yaalla Somaliland ee sida gaar loo leeyahay ay adeegsan dooto Wasaaradda Caafimaadka markii ay u baahato.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga oo ka kooban la Bog.