Madaxweyne Muuse Biixi oo Amar dul-dhigay Ciidamada Somaliland

Madaxweynaha JSomaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo kormeer ku tegay taliska guud ee ciidanka Somaliland iyo xerada ciidanka ee Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa, xaaladda kasoo korodhay xanuunka CORONA VIRUS oo ah masiibo cusub oo dunida kusoo korodhay.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, qaar kamid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa booqashadiisa ka bilaabay taliska guud ee ciidanka oo ay heegan ku ahaayeen Abbaan duulaha, sakaariiskha kala duwan iyo taliyayayaasha kala duwan ee ciidanka, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaaran oo uu ciidanka ku hogo-tusaaleeyey waajibaadka ciidan ahaan ka saaran ka hortagga xanuunka saf-marka ah ee CORONA VIRUS iyo ka hortagga haddii uu dalka soo galo.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu ciidanka qaranka uga mahadnaqay hawsha ballaaran oo ay hayaan, isaga oo caddeeyey inaanu xanuunkaasi weli soo halkaas, balse haddii la arko ay ciidamadu yihiin cududda kaliya ee dhibaatadaas samato-bixinteeda ka qayb qaadan kara,

“Maanta waxa aynnu ka hortegaynaa masiibo adduunka oo dhan gaartay oo aynaan garanayn meel ay kaaga imanayso oo aan dawo lahayn oo meel kaaga soo socoto iyo si ay u imanayso aan la garanayn oo loo baahan yahay inaynu iska maarayno, sidaas darteed farriinta aan ciidanka ugu imi waa in heegan buuxa la galo” ayuu yiri Muuse Biixi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu faray ciidamada kala duwan ee qaranka inay xeryahooda iyo goobaha shaqada ku sugnaadaan oo ay yareeyaan tegitaanka suuqyada iyo goobaha kale ee aan muhiimka u ahayn shaqadooda iyo danahoodaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media