Akhriso:-Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo Shir Madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shir madaxeedkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa la qorsheeyay in diirradda lagu saaro qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha dowldda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu-wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya,isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media