Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.
Kulanka ayaa Xildhibaanada waxa ay kaga hadli doonaan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin wargelin ah oo ku saabsa inuu Maanta jiro kulanka Golaha,isla markaana jandaha uu yahay dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada golaha Shacabka oo dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan socday mudo Saddex Cisho ah ayaa waxa ay aad uga doodeen xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.
Diyaar garoow ku aadan furitaanka kulanka Golaha Shacabka ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha,iyada oo amniga siweyn loo adkeeyey.