Akhriso:-Qodobada looga hadli doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kulan koodii caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Ansixinta Xubin ka tirsan Guddiga Madaxbanaan iyo Hirgelinta Dastuurka iyo sidoo kale Qaybinta Warbixin la xiririirta  wax ka badelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo ka Doodistiisa.

Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marka hore ansixin doona Xubin ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo lagu soo daray Muumina Sheekh Cumar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan oo dhawaan Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa ka doodi doona si ay wax uga bedelaan xeer-hoosaadka Golaha Shacabka,iyada oo qodobada wax laga bedelayo ay ka mid noqon doonaan soo xaadirista kulamada ee Xildhibaanada Baarlamaanka.

Diyaar garoowga kulanka Baarlamaanka ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media