Qaar ka mid ah Kusharaxiinta maamulka Galmudug ayaa maanta war kasoo saaray xaaladda Galmudug iyo xarig iyo Musaafurin ay sheegeen in laguka kacay Masuuliyiin.
Qoraalkaan oo ay soo saareen Musharaxiinta Kala ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,C/llaahi Faarax Weheliye,Cabdi dheere iyo Kamaal Daahir Guutaale ayay ku sheegeen in ay aad uga xunyihiin xariga iyo musaafurin lagula kacay mid ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamaanka Galmudug oo dhaliilo kulul u jeediyay dowladda taas oo la xiriirta dhismaha maamulka Galmudug iyo qaabka loo wajahay.
Ugu dambeyntii waxa ay cadeeyeen in uu xoryahay qof kasta una madax banaanyahay aragtidiisa gaarka ah oo aan lagu xadgudbi karin,iyaga oo sheegay in Ciidamada dowladdu ay xireen Xildhibaan hore Sheekh Cumar Mahad alle ammarkaasna uu bixiyay ra’iisul-wasaaraha sida ay hadalka u dhigeen.
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Murashaxiinta