Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha.
Shirka Golaha ayaa looga hadlay amniga guud iyo xoreynta deegaannada ay Al-shabab uga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo looga dooday Xeeraka marista waddooyinka iyo siyaasadda daryeelka bulshada.