Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada cusub ee Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada kuraastii ugu horreeysay ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Doorashada kursiga Hop-165 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Saalim Caliyoow Ibrow iyo Aadan Cismaan Xasan, waxaana doorashada kusoo baxay Saalim Caliyoow oo helay 70 Cod, halka Musharaxiin kale ee Aadan Cismaan uu helay 15 Cod.

Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-161 ee Xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isagoo helay Codad gaaraya 80  Cod,  halka Musharaxii la tartamayay Cabdullaahi Xuseen Faarax uu isna heley 7 Cod.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-044 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta Maryan Maxamed Cali iyo Faadumo Xasan Cumar, isla markaana waxaa doorashada kusoo baxday Maryan Maxamed oo heshay 73 Cod, halka Faadumo Xasan ay heshay 10 Cod.

Kursiga Hop-016 ayaa waxaa kusoo baxay Xuseen Cali Xaaji oo helay 81 Cod, waxaana doorashada kula tartamay Ismaciil Xuseen Axmed oo isna helay 10 Cod, Doorashada kursiga Hop-152 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 83 Cod halka Musharaxii la tartamaysay Axmed Xasan Geedi uu isna heley 16-cod.

Doorashada kursiga Hop-153 ayaa waxaa ku tartamay  Musharaxiinta kala ah Farxiya Maxamed Cabdi iyo Anisa Maxamed Xasan, isla markaana waxaa kusoo baxday kursigaas Farxiya Maxamed oo heshay 88 Cod, halka Anisa ay heshay 12 Cod.

Kursiga Hop-151 ee ugu dambeeyay doorashadiisa Maanta ka dhacday Magaalada Baraawe ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Xuseen Cali  oo helay 78 Cod, halka Musharaxii la tartamayey Mahad Ali Ahmed uu isna heley 17 Cod.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor