Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo

Doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo jimco ah ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP132 ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Xareed Jibriil, kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo kula tartameysay kursiga, waxaana Cadar Xareed loogu coddeeyay Cod gacan taag ah.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#092 ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Aadan Ibraahim iyo Musharax Saadaq Cabdullaahi Cabdi, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Cabdullaahi Aadan.

Ergada doorashada kursiga HOP#092 ayaa cod gacan taag ah ugu coddeeyay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, isla markaana waxaa uu kamid noqday Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#023 ayaa waxaa kusoo baxday oo ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale loo qaaday Codka kalsoonida ee ergada, 100 ergo ayaa gacanta u taagtay, kadib markii tartanka ka tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo laba todobaad ah hakad geliyay qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Maanta oo jimco ah dib u bilaabay doorashada Golaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor