Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay Guddi Xaqiiqa raadin ah oo Baaris ku sameeya shaqaaqadii ka dhacday Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu magacaabay Guddiga Xaqiiqa raadinta,kuwaasi oo baaritaano dhab ah ku soo sameeyn doona shaqaaqadii lagu dilay Corneyl Maxamed Mocow Xalane oo ahaa Taliyihii Qeybta Boliiska Boliiska Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Hieshabeelle ayaa ka kooban 10 xubnood,kuwaasi oo dhammaantood ka mid ah Golaha Wasiiradda maamulkaas.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.