Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin ku aadan Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in duufaanta ay ku dhufato inta u dhexaysa Xafuun ilaa Hobyo, iyadoona Xawaaraha dabayshu tahay 80-100 KM halkii saac.
Sidoo kale Puntland ayaa shacabka degan xeebaha, dhulka Miyiga, iyo Magaalooyin kale ugu baaqday inay u diyaar garooban kana digtoonaadan duufaantaas, isla markaana laga baxo dhulka xeebaha.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland.