Akhriso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo sameeyey Magacaabis

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed(Ugaas Xasan) ayaa Maanta waxaa lagu Magacaabey Isu-duwaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Gobolka Bakool

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii la arkay baahida loo qabo  in la Magacaabo Isu-duwaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Gobolka Bakool ayaa waxaa xilkaas loo Magacaabay Cabdi Nuur Cali Aadan.

Sidoo kale mas’uulka la Magacaabay ayaa waxaa la faray in uu si wanagsan ula Shaqeeyo Saxaafada ka howlgasha deegaanada Gobolka Bakool.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor