Akhriso:-Jubbaland oo Guddi u magacaawday dadkii lagu dilay Ceel-waaq

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa shir gudoominayay shirka billaha ah oo looga hadlaayay amniga deegaanada Jubbaland, kaasi oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Saraakiisha ciidanka Jubbaland, waxaana lagaga arrinsaday is badallada ku yimaada iyo horumarinta amniga deegaannada Jubbaland, iyadoo si weyn looga hadlay sugida amniga.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu falanqeyay dadii shacabka ahaa ee Ciidanka Dowladda Kenya ku dileen deegaanka Yaaddo ee hoostega Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo loogu talagalay inay si Deg-deg ah u soo baaraan arrimihii ka dhacay degaanka Yaddo, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

 

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la Magacaabay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media