Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa waxaa uu Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Xamarweyne.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne loogu magacaabay in uu noqdo Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir,kaasi oo horey mar u soo noqday Guddoomiyaha degamdaasi.
Cumar Shariif Jeeg Shaqa ayaa horey waxa uu u ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada  Xamarweyne ee Gobolka Banaadir,hayeeshee waxaa lagu sameeyay Shaqo joojin,waxaana Muddooyinkii dambe ay aheyd Guddoomiye la’aan.
Sababta shaqadii looga joojiyay Cumar Shariif Jeeg ayaa aheyd,kadib markii uu u gafay maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.  Â