Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti kornel Cabdullaahi Cabdi,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica), Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Maxamed Aadan Koofi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada dowlada dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica) oo ah  Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada lagu soo tababaro wadamada dariska ah ay ugu taya badan yihiin, kuwa lagu soo tababaray wadanka Jabuuti.

Taliyaha Booliska Dalka Jabuuti ayaa Madaxda dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,isagoona inta uu ku sugan yahay Magaalada kulamo kala duwan la qaadan doono Saraakiisha sare ee dowladda Soomaaliya.

Bilowga todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho booqasho qaadatay laba maalmood ku yimid Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayay.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media