Akhriso: Go’aan muhiim ah oo ka soo baxay Midowga Ururada Shaqaalaha dalalka Geeska Afrika

Isutagga Ururada Shaqaalaha Geeska Afrik oo ay ku bahoobeen dalalka gobolka ayaa bayaan wadajir ah oo ka dhan ah Cumar Faaruuq waxa ay u gudbiyeen ITCU ururka shaqaalaha Adduunka . Waxa ay ku eedeyeen in magacooda uu meel kaga dhacay sumacadii gobolka iyo tii Ururada shaqaalaha gobolka Geeska Africa.

Waxa ay ku sheegeen in uu yahay nin meelaha iska soc socda oo aan cidna matalin waxana ay tusaale u soo qaateen shir uu dhawaan ku qabtay Kigali oo uu isugu keenay dad uu meelaha ka soo urursaday oo aan aheyn ururadii shaqaalaha Soomaaliyeed ee saxda ahaa.
Hadii sumcad xumida uu gobolka geeska Afrika u keenaya faaruuq ay wax ka qaban weyso ITCU waxa ay dalalkan ku hanjabeen in ay qaadici doonaan dhamaan howlaha gobolka iyo xiriiirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeysa ITCU  arintaasna ay uga baahan yihiin jawaab deg degga ah.
Waxaa ku saxiixan madaxda Ururada shaqaalaha ee gobolka geeska Afrika.

 

1 2 3

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media