• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Dowladda Soomaaliya  iyo Qaramada Midoobe oo heshiis cusub wada saxiixday

Bilan Media by Bilan Media
October 15, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Xaflad lagu saxiixaayey heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka Qaramada Midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

“Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.

Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee

Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

“Heshiiska cusub waa lib wada-shaqeyneyd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.”

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada.

“Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah

Next Post

Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Next Post

Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

by Liban
May 24, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia’s Minister of Defence, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, on Friday chaired the monthly meeting...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu...

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay kulammo gaar-gaar ah kula yeeshay...

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
English News

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
English News

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
English News

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
  • Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
  • Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00