Khamiistii shalay ayaa waxaa heshiis wada saxiixday Masuuliyiin ka kala socday Dowladda Itoobiya, Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada Dp World,heshiiskaas ayaa qeexaya in dowladda Itoobiya ay Saami ku yeelato Dhaqaalaha ka soo baxa dekada Magaalada Berbera.
Heshiiskaas ayaa loo fadhiyay mudo dhowr maalmood ah,waxana ugu dambeyn la isku raacay in 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% ay yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Itoobiya.
Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso heshiiska dekedda Berbera.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamatay heshiiskan mid mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraac aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel-Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Bayaan ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya.