Dowladda federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in hoos u dhac uu ku yimid qatartii fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle inkastoo aysan dowladdu meesha ka saarin hadii roob da’a in qatar ay jiri karto.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu shaaciyay in hoos u dhac uu ku yimid qatartii fatahaadda, isla markaana waxaa ay dowladda uga mahadcelisay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda Gurmadka xoogan ay u fidiyeen dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in haatan ay bilaabayan wejiga saddexaad ay dib u soo celinta dadkii ku barakacay fatahaadihii ka dhacay deegaano ka tirsan dalka, isla markaan ay bilaabeyso dayactirka guryihii ay deganaayeen Qoysaska barakacay.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.