Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Digniin kasoo saartay Dabeylo xoogan oo kasoo bilowday Koonfurta Gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Dabeylaha xagaaga oo xawaarahooda sare u kacay ay suurta-gal tahay in ay waxyeello hantiyeed ka geeystaan degaannada dhaca xeebaha ee Goballada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda Gargaarka ayaa sheegtay in saameynta Dabeylaha ay saacadaha soo socda ku wajahan yihiin Degmooyinka kala ah Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Gargaarka ayaa waxaa Maamulada deegaanada ay Dabeylaha ku wajahan yihiin iyo hay’addaha Gargaarka loogu baaqay inay u diyaar garoowan xaaladaha soo cusboonaaday, isla markaana ay taageeraan shacabka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka.