Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ee Madasha Wada Tashiga Qaranka (The National Leadership Forum) ayaa maanta geli doona maalintiisa Labaad, waxaana la filayaa in Duhurnimadda maanta laga soo saaro War-murtiyeed ku aadan go’aanadda ku aadan Taabagelinta Nidaamka Doorashooyinka lagu wado inay dhacaan bisha September ee sannadkan 2016-ka.
Ilo ku dhowdhow Shirka ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen inay Madaxda ka xaajoodeen Mabaa’diida Guud ee Nidaamka Doorashadda iyo inay Doorashaddu ku dhacdo Xaq iyo Xor iyo inay Cod-bixintu ahaato mid qarsoodi ah iyo in Doorashooyinka lagu soo doorto Wakiilladda Barlamaanka, kuwaasi oo dooran doona Madaxweynaha cusub.
In Haweenka 30% ku yeeshaan Laba Aqal ee Barlamaanka.
Qoddobadda kale ee Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka (NLF) lagu wado inay maanta isla gorfeeyaan, kana qaataan Mowqif ayaa ku xiriirsan Tiradda Guddiga Doorashooyinka, Xulistooda iyo  inuu Musharax kasta isku soo taagi karo Hal xil, In doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee Barlamaanka noqdaan kuwo ka kooban 3 Wareeg, iyadoo Wareegga uu guuleysan karo Musharaxa keena lagu daray 50%, iyadoo haddii aan Wareega koowaad cidna ku guuleysanin waxay 3da Musharax ee ugu sarreysa ayaa u gudbi doona Wareegga Labaad, iyadoo Musharaxa ku guuleysanayo laga doonayo lagu daray 50%. Haddiise aan Wareegga Labaad lagu kala bixin waxaa loo gudbaa Wareega 3-aad oo uu xilka Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha Barlamaanka ku guuleysan doono Musharaxa hela codka ugu badan.
Sidoo kale, Doorashadda Madaxweynaha iyo Hoggaamiyayaasha Barlamaanka waa inay Beesha Caalamka ka qeyb galaan, si ay taageero iyo Goobjoog ugu noqdaan Nidaamka Doorashadda.
Dhinaca kale, Madaxda Madasha Golaha Wada-tashiga Qaranka waxaa u qorsheysan maanta inay isla meel dhigaan Saamiga ay Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ee haatan dhismahiisa lagu hawlan yahay iyo Maamulka Somaliland ku yeelanayaan Kuraasta Barlamaanka iyo xubinnimadda Madasha Wada-tashiga Qaranka (NLF).
©Radio Dalsan
Â