Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Berri oo la shaaciyay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa la filayaa in Maalinta berri oo Isniin ah kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa goor dhow loo diray farriimo ku aadan in maalinta berri oo ay taariikhdu tahay 29-ka bishaan Maarso uu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulanka.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa kusoo aadaya, iyada Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu kulamada Golaha Shacabka ka joojiyay 15 Xildhibaan, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay fowdo iyo buuq ka abuureen kulankii shalay.

Xildhibaanada uu Guddoomiye Mursal ka joojiyay kulamada ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Warqada uu soo saaray Guddoomiyaha, isla markaana looga joojiyay 5 kulan, iyagoona sheegay in Guddoon cusub ay dooran doonaan.

Kulankii shalay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday Buuq iyo Fowdo, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoonka uu doonayo inuu muddo kordhin u sameeyo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor