Ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka oo kulan laga yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn, oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha.

Kulanka ayaa waxa uu ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka u soo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe ayaa waxa uu xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor