Ahlu Sunna oo xirtay wariye ka tirsan Telefishinka Universal

Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku xiray magaalada Dhuusamareeb Wariye Maxamed Cabdiweli Tooxow oo ka howlgala Telefishinka Universal.

Suxufiga ayaa lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Dhuusamareeb iyada oo aan la ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa xarigiisa.

Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ayay wararka sheegayan iney soo xiren isaga oo ku jiray shaqadiisa.

Waxa uu sido kale Suxufiga la shaqeyn jiray idaacada Goob Joog sida wararka ay wararka sheegayan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor