Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in saddex bil e ugu dambeeyay aysan soo gaarin Warbixino la xiriira khasaaro dad Rayid ah kasoo gaaray dqueymo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.
Taliska AFRICOM oo Warbixin cusub soo saaray ayuu ku tilmaamay in aysan helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.
Waxaa ay intaas kusii dareen in Taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan hal sano iyo kadib weerarkii ugu dambeeyay ee 22-kii bishii February ee sandkaan ka dhacay Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu duqeeyay xubno ka tirsan Al-shabaab.
“Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM.
Hoos u dhac ayaa ku yimid duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan gudaha SOomaaliya ee lagu beegsado Saldhigyada iyo goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka, waxaana mararka qaarkood duqeymaha khasaaro kasoo gaaraan dad Rayidka ah oo aaga duqeynta laga fuliyo ka agdhow.