Madaxtooyadda Kenya oo difaacay Socdaalkii Uhuru Kenyatta ku tegay Dhoobley.

Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa beeniyey inay Xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, kadib, booqashaddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta shaly ku soo booqdy Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose.

Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa tilmaamay inuu socdaalkaasi caadi ahaa, inkastoo ay Dowladda Somalia ka carootay arrintaasi.

Manoah Esipisu ayaa beeniyey inuu Dagaal Diplomaasiyadeed kala dhexeeyo Somalia, kadib, markii uu Mdaxweyne Uhuru ka gudbay Xuduudka Somalia, iyaoo aan Dowladda Federalka lagu wargelinin.

“Booqashadda Madaxweynaha ee Ciiddankiisa waa wax caadi ah in l sameeeyo, Annagana saas ayaan samaynay. Waxay u ahayd muhiim Madaxweynaha si u uTaageeradiisa u tusiyo Ciiddnkiisa ee ka shaqeynayo sugidda Ammanka ee dlkeenn” ayuu yiri Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inuu hubo haddii uu mugdi ka dhex jiro labada Waddan inay kga hadli doonaan Khdadka Diplomasiyadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Manoah Esipisu ayaa tilmaamay inaysan qaadi doonin wax walaac keenayo, haddii ay jiraan xaallad kale.

Madaxweynha Kenya waxa uu shalay ka tallaabay Xuduudka Somalia, isagoo soo booqday Ciiddanka Kenya ee ku sugan Degmadda Dhoobley oo u dhow xuduudka Kenya.

Socdaalkiisa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid uu uu taageero ugu muujiyo Ciiddankiisa oo ku sugnaa Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu ka muujiyey xanaaq sfarka Uhuru ee Dhoobley, waayo laguma soo wargelinin Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Somalia oo Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegy inay Booqashadaasi la amakaagsan yihiin, gaar ahaan Wargelin la’aantaasi.

Wuxuuna nasiib-xumo ku tilmaamay  inaysan wax badan ka sheegi karin, waayo waxaan si toos ah ula xiriiri doonaa Walaalaheenna ku sugan Kenya.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Caalamka waxay sfar La-yaab leh ugu tagaan Ciiddankooda jooga dhulal shisheeye, balse Booqashadaasi oo inta badan wax ka abaabulaan Dowladaha la booqanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Socdaalkii Uhuru Kenyatta ee Degmadda Dhoobley ayaa xasaasiyad Diplomasiyadeed abuurtay, iyadoo  uu safarkaasi aha xadgudub lagu sameeyey Qaranimadda Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media