Qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jiray ayaa War ka soo saaray xiisada siyaasadeed iyo mida amnig ka jirta deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiyada kala Horusocod Qaran,Xisbiga Nabadda, Ilays iyo Wadajir, ayaa waxaa lagu sheegay in amni darri ay buuri karto Ciidanka ay dowladda geeneyso Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana magaaladaas ay tahay deegaanada ugu nabdoon Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay Xisbiyada kala ah Horusocod Qaran,Xisbiga Nabadda, Ilays iyo Wadajir ugu baaqdeen dowladda Soomaaliya in ay fuliso dhammaan heshiisyadii ay la gashay Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiyada.