Kadib markii saakay Puntland ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba kamid ah ragii dilay Caaisho Ilyaas Aadan ayaa waxaa dilkaas sida uu u dhacay ka hadlay Aabaha dhalay Marxuumad Caaisho.
Aabe Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in la dilo laba kamid ah ragii kufsiga iyo dilka u geystay Gabadhiisa oo aheyd oo 12-sanno jir, isla markaana uu goobjoog ka ahaa sidii uu dhacayay xukunka dilka ahaa.
Sidoo kale Aabe Ilyaas Aadan ayaa waxaa uun tilmaamay in Xukmanaha saddexaad dilkiisa dib loo dhigay muddo 10 cisha, kadib markii uum Codsi uga yimid dhanka Puntland iyo Ehelada gabadha.
“Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay Meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waanna ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyay” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay Marxuumad Caaisho.
Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa Maanta lagu qisaasay fagaare ku yaalla Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay, kuwaasi oo lagu helay Kiiska ah inay kufsi iyo Dil u geysteen Marxuumad Caaisho Ilyaas Aadan.
Raggaasi ayaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.