Nin u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Charles Ssekamate ayaa la sheegay inuu wiil yar oo uu dhalay dilay 16 sanno ka hor.
Maxkamadda Rafcaanka ee Uganda ayaa xaqiijisay in Aabahaas Dilaaga ah xabsiga ku sii nagaan doono 32-sanno.
Aabaha ayaa ku dooday inuu wiilkiisa oo 2 jir ahaa dilay, kadib, markii uu u adkeysan waayey oohinta wiilka ee joogtada noqotay.
Maxkamadda ayaa sheegtay inuu aabahaasi bishii November ee sannadkii 1999-kii dilay wiilkiisa yaraa, kadibna uu maydkiisa ku riday tog biyo-mareen ah.
Maxkamadda Sare ee Uganda waxay sannadkii 1999-kii xukun dil ahaa ku riday ninkaasi oo deggan Tuulladda Mazzi ee duleedka Entebe .
Laakiin, Maxkamadda Rafcaanka ayaa haatan go’aamisay in Aabaha dilaaga ah lagu xukumay xabsi 32-sanno ah, oo uga bilaabanaysa bishii October ee sannadkii 2002-dii.