Diyaaradaha Dagaalka iyo Madaafiicda Turkiga waxay maanta duqeeyeen goobaha ay Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG ka joogaan Waqooyiga Syria.
Kooxda la socota Xuquuqda Aadanaha ee Syriua ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Turkishka saakayto duqeeyeen Deegaanadda Waqooyi kaga toosan Degmadda Manbij oo u dhow Degmadda kale ee Jarabulus.
Telefishinka Aljazeera  ayaa baahiyey inay ugu yaraan 20 qof oo Rayid ah ku geeriyoodeen , 0 kalena ku dhaawacmeen duqeyn ay Diyaaradaha Turkiga ka geysteen l Tuulladda Jabal Kuusa oo 14 KM  dhanka Koonfur ka xigta Degmadda Jarabulus ee Gobalka Aleepo ee Waqooyiga dalka Syria.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Dogan News Agency ayaa sheegtay in Maleeshiyadda Kooxda Kurdishka ay  saqdii dhexe ee xalay 4 Hoobiye ku duqeeyeen Garoonka ugu weyn Diyaaradaha ee ku yaalla magaalladda Diyaar Bakir.
Guddoomiyaha Degmadda Diyaar Bakir, Xuseen Aksooy ayaa u sheegay Telefishinka NTV inay Hoobiyayaasha ku dhaceen meel ku dhow Garoonka, mana sheegin inay khasaaro ka dhasheen Duqeyntaasi.
Garoonka Diyaaradaha ee Diyaar Bakir waxaa inta badan adeegsada Diyaaradaha isaga kala goosha gudaha dalka Turkiga.
©Radio Dalsan