Hague, Netherlands – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo ah maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii diiday dacwad ay Sudan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo ku eedeysay in Imaaraadku gacan ka geystay xasuuqyo ka socda Sudan. Maxkamaddu waxay sheegtay in aysan lahayn awood sharciyeed oo ay ku qaado kiiskan.
Sudan waxay ku eedeysay Imaaraadka inuu siiyo taageero militari kooxda RSF, oo dagaal kula jirta ciidanka qaranka Sudan tan iyo Abriil 2023. Dacwadda ayaa sheegaysay in taageeradaas ay suurta-galisay falal xasuuq ah, sida dilal baahsan, kufsi, barakicin iyo dhac, kuwaas oo Sudan ay ku sheegtay inuu yahay xasuuq.
ICJ ayaa go’aamisay in aysan jirin heshiis labada dal u dhexeeya oo siinaya maxkamadda awood ay ku qaado kiiskan. Sidaas darteed, waxay gebi ahaanba meesha ka saartay dacwaddii Sudan, iyadoo aan xitaa u gudbinin nuxurka eedeymaha.
Reem Ketait, ku-xigeenka wasiiru-dowlaha arrimaha siyaasadda ee Imaaraadka, ayaa soo dhawaysay go’aanka, iyadoo ku tilmaamtay “caddayn cad in dacwaddan aysan waxba ka jirin.” Waxay ku eedeysay Sudan in ay maxkamadda u adeegsatey si ay u jeediso dareenka caalamka falal ay iyadu geysaneyso.
Inkasta oo ICJ aysan garsoorin nuxurka dacwadda, haddana waxay muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaalada bani’aadamnimo ee ka jirta Sudan, gaar ahaan Galbeedka Darfuur, halkaas oo la dilay ugu yaraan 542 qof saddex toddobaad gudahood. In ka badan 8 milyan oo qof ayaa barakacay, waxaana jira macaluul ka jirta ugu yaraan shan gobol.
Wasiirka caddaaladda ee ku-meel-gaarka ah ee Sudan, Muawia Osman, ayaa ku andacooday in Imaaraadka uu bixiyo taageero toos ah oo milatari iyo saadka ah oo RSF haysato. Waxa uu ka codsaday maxkamadda in ay amarto Imaaraadka inuu joojiyo taageeradaas, isla markaana bixiyo magdhaw buuxa oo loogu talagalay dhibbanayaasha dagaalka.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Raoul Wallenberg ee fadhigeedu yahay Canada ayaa go’aanka ku tilmaantay “nasiib-darro” iyo “dhimasho caddaaladeed.” Aasaasaha xarunta, Irwin Cotler, ayaa yiri: “Xasuuq kale ayaa si aamusnaan ah loo nadiifinayaa.”
Maadaama dacwaddii la diiday, Sudan waxay raadin kartaa waddooyin kale oo ay ku raadiso caddaalad, laakiin waxaa horyaalla caqabado diblomaasiyadeed oo waaweyn.
Dad badan oo Sudanese ah ayaa ka cadhooday go’aanka. “Si buuxda ayaan u niyad-jabnay… Caddaalad ayaan rabnay oo kaliya,” ayuu yiri Hisham Fadl Akasha, injineer 57 jir ah oo kamid ahaa dadkii dibadbaxa sameeyay.