Wararka aan ka helayno degaanka labu dulle iyo Sina dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal kkhasare badan dhaliyay oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab, waxaana kasoo baxaya dagaalkaasi warar kala duwan.
Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad iyo Al-shabaab, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidanka Dowladda ay werareen degaanada oo ay Al-shabaaab ku sugnaayeen.
waxaana dagaalka ka dhashay Khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Taliyaha Guutada 15aad e qeybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa warbaahinta u sheegay in ay la wareegeen degaanadii lagu dagaalamay, iyadoo deegaanada labi dule iyo sina dhaqo ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ay gacanta ugu jiraan sida la sheegayo ciidanka dowladda.
Degaaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay gacanta horay ugu hayay Al-shabaab, waxaana dhawaan Ciidanka dowladdu ay la wareegeen degaanno kale oo ka ag dhaw degaanada ay maanta qabsadeen Ciidanka Xoogga.