Maamulka Puntland ayaa Soo gudbiyay xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.
Madaxtooyada Puntland ayaa soo gudbisay xubnaha, waxaana ay ka kooban yihiin  afar xubnood, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Cabdiweli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la-taliye u ah Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin.
xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal ayaa waxaa Dowladda dhexe usoo Gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siiciid Cabdulalahi deni.
Maamulada Hirshabbeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u Gudbiyay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.