Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan,kaasi oo u dhexeeyo Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa sigaar ah waxaa uu uga socdaa deegaanka lagu magacaabo kala Beyr oo ku yaalla duleedka Magaalada Balaweyne,isla markaana waxaa lagu soo warayaa in uu yahay mid cusub oo lagu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Khasaaro isugu jira iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda duleedka Baladweyne,kaasi oo soo kala gaaray Ciidamada kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolkaas Cali Maxamed Caraale.
Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi lagu dilay  Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,kaasi oo la sheegay inuu hogaaminayay Ciidamada taabacsan Guddoomiye Caraale.
Xaalada deegaanka kala Beyr ee duleedka Magaalada Baladweyne uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay tahay mid kacsan,waxaana halkaasi laga maqlayaa dhawqa rasaas xoogan.