Madaxweyne-ku-xigeenka 1-aad ee dalkaasi, Gaston Sindimwo ayaa sheegay in xal laga gaaray arrintaasi oo soo af-jari doonta Murankii ka taagnaa Mushaar la’aanta haysatay Ciiddankooda in ka badan 12-bilood.
“Waan qanacsanahay, waxaana Wada-xaajood fiican la galnay Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da, Ismail Chergui” ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka 1-aad ee dBurundi.
Waxa u uintaasi ku daray inay Heshiis Is-faham ( A Memorandum of Understanding (MOU) kala saxiixdeen Khamiistii la soo dhaafay, kadib, markii ay Kulan yeesheen Ergadda AU-da iyo Wafdi ka socday Dowladda Buurundi, oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Ammaanka Dadweynaha.
Dowladda Burundi waxay cadaadis ku hayeen Ururka Midowga Afrika, waxayna Isniintii la soo dhaafay sheegeen inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Somalia, haddii aan wax heshiis ah laga gaari waayo bixinta Mushaaraadka Ciiddankooda.
Madaxweyne-ku-xigeenka Kooweaad ee Burundi waxa uu tilmaamay inay iska caddahay inaysan Ajendahooda ku sii jiri doonin inay la baxaan Ciiddankooda, kadib, markii ay heleen Xal lagu badbaadin karo Awoodda Qaranimadooda.
Heshiiska AU-da iyo Dowladda Burundi ka gaareen bixinta Mushaaraadka Ciiddankooda ayaa waxaan kala caddayn haddii ay Dowladaha Midowga Europe oggolaan doonaan Heshiis cusub ee laga gaaray Mushaaraadka ka maqan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Ciiddanka Burundi ee qeybta ka h Hawlglka AMISOM waxay tiradooda dhan tahay 5,400 Askari, waana Ciiddanka 2-aad ee ugu badan marka laga reebo kuwa ka socda Uganda oo tiradooda dhan tahay in ka badan 6,000 oo Askari.
©Radio Dalsan