Qarax ka dhacay Turkiga oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Gaari miineysan ayaa la sheegay inuu ku qarxay  Dhismo la deggan yahay oo lu yaalla Degmadda Viransehir ee K/bari Turkiga.

Qaraxaasi waxaa kaloo ku dhaawacantay 17-kale, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay Guddoomiyaha Gobalka Sanliurfa, Gungor Casiim Tuma oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee ANADOLU..

Baaritaano hordhac ayaa sheegay in Dareewal da’diisu u dhexeyso 18 ilaa 20-jir uu gaariga miineysan dhigay Barxad la dhigto Gaadiidka, iyadoo uu gaarigu qarxay dhowr daqiiqo kadib.

Dhinaca kale, Wasiirka Garsoorka ee dalka Turkiga, Bekir Bozdag waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid Argagixiso, isla markaana lala maaganaa Garsoorayaal iyo Dacwad-oogayaal iyo Karaaniyaal ku sugnaa Dhismo uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto koox sheegatay qaraxaasi, inkastoo Kacdoonka Kooxda PKK ee gooni-goosad-doonka lagu dilay 40-kun oo qof tan iyo sannadkii 1984-kii.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media