Wargeyska Al-riyadh ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga Gargaar Caafimaad u fidisay in 15 qof oo dhaawacooda wax laga qaban waayey Isbitaalladda Muqdisho.
Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Ala-sacuud ayaa bixiyey amarka Bukaanadaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.
Wargeyska waxa uu qoray in Diyaarad nooca ay ku rakiban yihiin Qalabka Caafimaadka loo soo diray Somalia, si ay dadkaasi dhaawaca ah uga soo qaadaan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Bukaanadda ayaa la sheegay inay habeen hore ka degeen Garoonka Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Riyadh, waxaana safarkooda ku wehliyey Koox ka tirsan Xarunta Boqor Salmaan ee Samafalka iyo Hawlaha Aadminimadda (King Salman Center for Relief and Humanitarian Action).
Dhinaca kale, wax faahfaahin ah lagaama bixinin goobaha ay ku soo dhaawacmeen Bukaanadda la qaaday, inkastoo Isbitaalladda Madiina lagu daawaynayo qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacantay qaraxyaddii iyo dagaalladdii ka dhacay Afgooye, Gaalkacyo iyo Beled-weyne.
©Radio Dalsan